Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud. Waxaa uu sidoo kale magacaabay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal kale.
Mudane Biixi waxaa uu gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar) u magacaabey guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee derejada koowaad ee gobollada galbeedka.