Hargeysa(RH)Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa shaaciyey in Golaha Guurtiddu fadhi aan caadi ahayn iskugu iman doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 12ka Bishan January.
waxaa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidu uu Mudaneyaasha ku wargeliyey in aanay ka baaqsan fadhigaas oo muhiim ah isla markaana lagaga hadli doono arrimo danaha Qaranka JSL, Sidaas darteed, inkasta oo aanu shaacinin waxyaabaha uu la xidhiidho ee lagaga hadli doono fadhigan aan caadiga ahayn.
Geesta kalena Siday ilo looga xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Radio Hormuud, waxa fadhigan Golaha Guurtidda la iskugu yeedhay ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.