Hargeysa(RH)Allah ha U Naxariistee Waxaa maanta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda Somaliland.
Marxuumku waxaa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dawlad dhiskii Somaliland, isaga oo sidoo kalena kaalin weyn ka ciyaaray dedaaladii loogu jiray horumarinta dalka.
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasir Aaden Beegsi ayaa sheegay in marxuunku uu ahaa tiir weyn oo ka baxay Golaha Guurtida, isla markaana uu ka mid ahaa xubihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida xilligii halgankii dib u xoraynta dalku uu socday dabayaaqadii Siddeetamaadkii.
Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, waxaanu ilaahay uga baryey in uun jannooyinkiisa ku casuumo.