Boorama(RH)Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cusmaan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka Somaliland iyo xubno ka socday Banka Horumarinta Afrika (African Development Fund) ayaa booqday Wadada isku xidha Jabuuti iyo Boorame, wadadan oo ay dhismaheeda gacanta ku hayso Hay’adda madaxa banan ee SARDA oo gacan ka helaysa dadweynaha Gobolkka Awdal iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somliland, ujeedka socdaalka waftigan ayaa ahaaa qii
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Gabiley(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Magaalada Gabilay ka furtay Mashruuc wax ka taraya Wax soo saarka Beeraha iyo Cuntadda.
waxa uu Mashruucani isugu jiraa sadex qaybood oo kala ah Joojinta Ciida iyo Biyaha, Kor u qaadista Wax soo saarka beeraha, Kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo wax ka bedelka tacadiyada ka dhanka ah haweenka Waxaanu Mashruucani soconayaa Mudo sannad ah iyadoo ay ka faa’iidaysanayaan Toban Tuulo oo hoos taga Gobolka Gebilay.
Hargeysa(RH)Xildhibaannada Golaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Cod ku ansxiyey Wasiirrada wasaaradaha Caddaladda iyo caafimadka, C/risaaq Cali Cabdi iyo Cumar Cali C/laahi,Wasiir ku xigeennada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Arrimaha dibadda C/Naasir Caydiid Maxamed, C/Qaadir Cumar Jaamac Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe.
Dhahar(RH)Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac oo ku sugan Gobolka Badhan ayaa dhagax dhigay Mashruuca Biyo gelinta Degmadda Dhahar ee Gobolka Badhan.
Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyey Darajooyinka Cusub oo loo sameeyey Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland
Ceegaag(RH)Maamulka iyo ciidamada Booliska ee degmada Ceegaag ee gobolka Saraar ayaa olole ammaanka degmadaasi lagu adkaynayo ka fuliyey degaanno hoos yimaada degmadaasi.
Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay furitaanka Bandhigii 12aad ee Carwada Buugaagta ee Hargeisa International Book Fair oo sannad kasta lagu qabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Hargeysa(RH)Markabkii Xoolaha siday ee ka tagay dekedda Berbera ee maalmihii u dambeeyey ku xayirnaa dekedda Jidda ee dalka Sucuudiga ayaa Xalay fiidkii si rasmi ah looga dejiyey xoolihii, kadib markii dhakhaatiirta Sucuudigu ay hubiyeen caafimaadka iyo badqabka xoolaha Somaliland.
Hargeysa(RH)Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Jawaab Ka Bixisay Hadallo Kasoo Yeedhay Dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya
Sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo Baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland waxaanu u dhignaa sidan
War-Saxaafadeed
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Pagination
- Previous page
- Page 53
- Next page