Hargeysa(RH)Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u d
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan ciidamadda qaranka ayaa shalay booqday qaar ka mida xeryaha ciidamadda ee Hargaysa.
Hargeysa(RH)Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ugu baaqay beeralayda dalka in ka faa’iidaaytaan roobabka da’aya oo ay laban laabaan wax soo saarka.
Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland , oo la Hadley warbaahinta waxa uu sheegay in ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran beeralayda. Waxaanu intaasi ku daray in ay sameeyeen kooxo wasaarada beeraha ka socda oo gacan ka gaysan doona wixii caqabado ah ee la soo dersa beeralayda Somaliland.
Laas-caanood(RH)Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaana fulinaysa hawl-galo lagu meel marinayo qorshayntii loo sameeyey magaalada Laascaanood.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Eng.Axmed Yuusuf Siciid oo ka mid ahaa haldoorka miisaanka ku dhex leh bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka la magac baxay Waxbarashadu ma sugi karto ee ( Education cannot wait) kaasi oo ay qaban qaabadiisa lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.
Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Oo Qalab Cusub kala Wareegtey Hay’adda IOM
Hargeysa(RH)Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa qalab cusub oo lagu diwaangelinaayo xogta Barokaceyaasha Somaliland kala wareegay hay’adda IOM.
Guddoomiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay in ay hay’adda Qaxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ay baahi weyn u qabtay qalabkan, ayna doonayaan in ay ku diwaangeliyaan dadka barokaceyaasha ah ee ku sugan Somaliland.
Hargeysa(RH)Qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey Dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland gaar ahaana Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo iyo mahadnaq uga diray Golaha Deegaanka Birmingham oo ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.
sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxafadeed Caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Oo U Dhignaa sidan:-
DHAMBAAL MADAXWEYNE
Hargeysa(RH)Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa gaadhay Niger ee galbeedka Afrika, halkaasi oo uu ka furmay shir ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Pagination
- Previous page
- Page 54
- Next page