Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daaf-furay shirka dib u hubinta tirada qaxoontiga ka diiwaan gashan Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Nairobi(RH):- “Somaliland waxay raadineysaa inay sii ballaadhiso xidhiidhka ay la leedahay Jarmalka, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga shisheeye.” Sida waxa lagu sheegay kulan dhexmaray Safiirka Somaliland ee Kenya iyo Agaasimaha Baanka KFW ee Jarmalka.
Saylac(RH)Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa howlgal socday in ka badan 48 saacadood oo ay ka sameeyeen Xeebaha galbeedka iyo Waqooyiga kaga hortegay Markab jiidayey xadhig nooca Isgaadhsiinta xambaara oo laga leeyahay Dalka Djibouti, kaasoo la doonayey in sifo sharci darro ah lagu mariyo biyaha Somaliland, iyadoo loo jeediyo dhinaca Soomaaliya.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.
Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa maanta Dil Qisaasa ku Fulisay lix nin oo hore Maxkamadaha Somaliland Dil ku Xukumeen kuwaasi oo mudo ku xidhnaa Xabsiyada Somaliland
Gambadha(RH)Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xassan C/laahi, ayaa dhagax dhigay dhismaha dekad qalalan oo laga dhisi doono degaanka Gambadha ee gobolka Sool.
Waxaana maareeyaha dhagax dhigaasi ku wehelinayay badhasaabka Sool, maayarka Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanu jirin dastuuriyan sharci sheegaya in la kala diro Komishanka cusub ee aan weli hawlgelin, waxaanay xisbiyada mucaaridka ah ku boorisay inay ixtiraamaan shuruucda waddanka u yaalla.