WARARKA TIGNOOLAJIYADA EE RADIO HORMUUD

RH:Elon Musk Oo Soo Bandhigay wax lagu magacaabo (Cybercab) Robot taxi Bilaa Istayrin  ah isla markaasina aan laheynba  Kontoroolka lugaha sida gaasta iyo breega.

Bishan hada dhamaatey ee  2024, Elon Musk ayaa soo bandhigay gaari cusub oo iskiis u shaqeeya, kaasoo loo yaqaan "Cybercab." Cybercab-kan wuxuu leeyahay naqshad cusub oo aan lahayn gacanta iyo lugaha kontoroolka, isagoo qeyb ka ah aragtida Musk ee ku saabsan mustaqbal tiknoolajiyadeed barwaaqo ah. Inkastoo Musk uu rajo ka muujiyay in gawaarida noocan ah la isticmaali karo sannadka soo socda gaar ahaan gobalka California iyo Texas, haddana waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan awooddiisa inuu hirgeliyo tiknoolajiyadani marka loo eego tartanka jira ee dhinaca gawaarida iskiis u shaqeeya ee ka socota shirkadaha sida casriga ah sida Waymo​ oo laga leeyhay dal weynaha shiinaha.

 Google Oo Ku Biirtay Teknoolajiyada Nukliyeerka Si Loo Daboolo Baahida Tamarta ee uu hago caqliga macmalka ah ama AI-da

Google ayaa bishii hore  Oktoobar heshiis la gashay shirkadda Kairos oo ka shaqeysa soo saarista nukliyeerka yar-yar si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya ee ay u qabaan tamarta macmalka ah (AI). Qorshahan ayaa loogu talagalay in la hawlgeliyo tamarta nukliyeerka sanadka 2030, iyadoo Google ay xustay in heshiiskani qeyb ka yahay dedaalkeeda ku aaddan in la isticmaalo tamarta nadiifka ah. Tallaabadani waxay u iftiimisaa sida shirkadaha tiknoolajiyadu ay u wajahayaan xalalka tamarta ee cusub si loo yareeyo isticmaalka shidaalka​

 Kororka Qiimaha Saamiyada Nvidia Iyadoo Ay Taageerayaan Tiknoolajiyadda AI-da

Bishii hore  Oktoobar, shirkadda Nvidia ayaa gaartay heer cusub oo sare ee qiimaha saamiyadeeda, taas oo ku timid kororka baahida loo qabo kombuyuutarka dunida ugu awooda badan ee GPU yada shirkadda ee loogu talagalay mashruucyada AI-da ee shirkadaha waaweyn sida Microsoft iyo Meta. Horumarkan ayaa imanaya iyadoo ay sii kordheyso maalgelinta iyo isticmaalka teknoolajiyadda AI, waxaana la filayaa in Nvidia ay sii kordhiso wax-soo-saarka iyo faa’iidada la filayo ee jiilka cusub ee Blackwell  ee ay hagto maskaxda macmalka ah ee hagta kombutarka dunida ugu awooda badn oo la filayo in uu soo baxo sannadan soo socda.

Diyaarinta: Mohamed-Amiin Siyad Abdi

Category