Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo xeer ilaalinta guud, waxaana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqada garsoor ee ay bulshada u hayaan ka socoto, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta maxkamadda sare ee dalka.