Hargeysa(RH)Taliyaha Ciidanka Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ayaa shaaca ka qaaday inay isbedel ku sameeyeen nidaamkii iyo qaabka helitaanka Fiisaha dal-ku-galka Jamhuuriyadda Somaliland ee ajaanibka imanaya dalku u raacayaan.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Xuseen Warsame ayaa sheegay inuu is casilay.
Hargeysa(RH)Daawo sidii Maanta Magaalada Hargeysa loogu soodhaweeyey Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Cismaan Saalax Maxamed,oo Bookhasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland
Hargeysa(RH)Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Tababbar u soo xidhay 15 Qof oo ka mid ah Muwaadiniinta ka ganacsada Abuurka Beeraha ama Siidhka oo saddexdii Maalmood ee u dambeeyay Tababbar uga socday Magaalada Hargeysa.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019 waxa uu kormeer ku soo maray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo uu madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Addis-Ababa(RH)Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya.
Gaashaamo(RH)Ciidanka Liyuu Booliska maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Xaaji Saalax ku jidh dilay laba masuul oo ka tirsan maamulka Degmada Gaashaamo, kuwaas oo ay dhaawac-yo kala duwan u geysteen, isla markaana loo qaaday dhaawacooda dhanka magaalada Jig-jiga ee caasimada Soomaalida Itoobiya .
Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay 24-dhallinyaro ah oo ka kala socota gobollada dalka, kuwaas oo loo carbinayo hoggaaminta wanaagsan.
Pagination
- Previous page
- Page 69
- Next page