Qaahira(RH)Wafti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku tegay dalka Masar ayaa kulamo la yeeshay wasiirro, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dawladaasi Masar.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.
Laas-caanood(RH)Shirweynaha Ururka Dawladda Hoose Ee Somaliland ayaa ka qabsoomay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool.
Caynaba(RH)Duqa degmadda Caynaba ayaa ka hadlay laba qof oo xanuunka Gawracatadda ugu geeriyooday degmadda War-idaad ee gobolka Saraar.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Khubad Sanadeedkii Dastuuriga ahayd ka horjeediyey labada Gole Baarlamaan ee Somaliland.
Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga digay in ay isku dayaan in ay ku soo xad gudbaan, soona galaan xuduudka dhuleed ee Somaliland.
Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamij wax lagu barayo maxaabiista kala duwan ee ku jirta jeelasha dalka.
Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun.
Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi.
Pagination
- Previous page
- Page 68
- Next page