Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.
Hargeysa(RH)Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Shirka sannadlaha ah ee mashruuca JPLG oo ay goob joog ka ahaayeen Hay’addaha qaadhaan bixiyayaasha iyo Hay’addaha Dawladda ee qeybta ka ah Mashuuraca JPLG.
Hargeysa(RH)Shir-guddoonka golaha wakiillada JSL ayaa la taliyaha sharciga ee golahaasi u gudbiyey mooshin golaha la horkeenay oo ku saabsan heshiiskii saddex xisbi qaran ay ka gaadheen khilaafkii Arrimaha Doorashooyinka oo jidaynayey in Golaha Wakiilladu kordhiyo tirada Komishanka Doorashooyinka.
Hargeysa(RH)Machadka IBBLS ayaa xarunta wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Cilmi baadhis ay ka sameeyeen shilalka gaadiidka ee ka dhacay Somaliland.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada, Shaqaalaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland iyo marti sharaf kale.
Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay dawladdu ugu adeegto dadweynaha iyo cashuurta ay ka qaado dadweynuhu halka ay ku baxdo.
Waxaanu ka codsaday wasiir Dr. Sacad in bulshadu ay iska bixiso cashuurta, si dawladdu ay u fuliso adeegyo badan oo bulshada wax loogu qabto.
Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaarada Caddaaladda Somaliland C/risaaq Cali Cabdi ayaa ka warbixiyey Mashaariic horumarineed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu amray in laga hirgliyo Gobollada Bari ee Waddanka ,gaar ahaan Sanaag iyo Badhan.
Wasiirka Caddaaladdu oo ka hadlay socdaal uu dhawaan uu ku tagay Gobolka Badhan iyadoo uu xusay in aanay jirin wax mashruuca oo ka fulay gobolkaasi ,gaar ahaan magaalada Badhan amarka madaxweynaha ka hor.
Burco(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer Dabley Hubaysani ku weerartay Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.
Hargeysa(RH)Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey inay Golaha Wakiilada dacwaynayaan wasiir ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Oo maanta Shir Jaraa”id kuqabtey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay golaha wakiilada ka dacweyn doonaan wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.
Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa goluhu ku bogaadiyey heshiiskii saddexda xisbi qaran ku soo afjareen khilaafkii doorashada Golaha Wakiillada iyo deegaanka.
Hargeysa(RH)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka Dawladda Soomaaliya. Kaasi oo sheegay in shacabka reer Somaliland aanay u middeysnayn madax-bannaanida Somaliland.