Hargeysa(RH)Waxaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey komishanka Xakamaynta Aydhiska, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadd sannadeedka qaranka ee 2020-ka
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay Shir Gudoonka Golayaasha Guurtida & Wakiilada iyo guddidii hore ee doorashooyinka qaranka Somaliland oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici)
Hargeysa(RH)Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.
Hargeysa(RH)Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto mid casri ah oo heer caalamiya.
Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Saddex Qoddob oo dalku ku gaadhi karto Hodantinimo dhaqaale.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay maanta Warsidaha East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda, oo ku saabsaneyd shirkii maalgasjhiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dawladda JSL ay khamiistii ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Nairobi(RH)Shirweyne ballaadhan oo ku saabsan maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland ay ka soo qaybgaleen Shirkado ganacsi oo caalamiya iyo Wakiillo dawladeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Hargeysa(RH)Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
Darar-weyne(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho ka kooban.
Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda faahfaahin ka siiyay miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka, oo golaha la horgeeyay.
Waxaana fadhigaasi golaha mudenayaasha golaha Wakiiladda loo qaybiyay odoroska miisaaniyadda 2020-ka si ay u soo naaqishanaan.
Pagination
- Previous page
- Page 41
- Next page