Nairobi(RH)Shirweyne ballaadhan oo ku saabsan maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland ay ka soo qaybgaleen Shirkado ganacsi oo caalamiya iyo Wakiillo dawladeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
waxa shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Qunsuliyadda Somaliland ku leedahay Nairobi,waxana ka soo qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo masuuliyiin kale.
Shirkan caalamiga ah oo ah kii labaad ee noociisa ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku qabato Nairobi, waxa sannadkan lagu falanqeeyey sidii loo maalgashan lahaa Khayraadka dihin ee Somaliland gaar ahaan, Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Tamarta iyo dhaqaalaha Somaliland.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay shirkan ayaa si qoto-dheer uga warramay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhinaca maalgashiga iyo sida ay Somaliland u fududeysay sidii ay u kasban laheyd maalgashiga caalamiga ah.
Waxa kale oo ay Wasiirradu ku booriyeen shirkadaha ka soo qaybgalay shirweynahaas inay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.
Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md,. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa sheegay in shirkaas loogu gudbiyey madaxdii ka soo qaygashay oo iskugu jiray saraakiil ka socday dawladda Kenya iyo shirkadaha kala duwan, warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan baahiyaha maalgashi ee Somaliland u baahan tahay.
Danjire Baashe Cawil wuxuu tilmaamay inay martidii lagu casuumay gaar ahaan shirkadihii ganacsigu ay muujiyeen siday u danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka jirto nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa oo caalamku aamini karo.