Hargeysa(RH)Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland uu ku soo kordhay kiis Cusub oo laga helay Fayraska Covid-19 kaasi oo tiradii hore loo xaqiijiyey ka dhigaysa lix qof.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargaysa(RH):-Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadduna soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku ku qabsoomay.
Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in 11 qof oo looga shakiyey xannuunka Covid-19 dhiigagooda iyo dheecaanadooda dalka dibadiisa loo diray, welina ay sugayaan natiijada ka soo baxaya.
Hargeysa(RH)Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay sidii la isku waafajin lahaa cibaabadda masaajidadda iyo xannuunka Coronavirus.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafeed uu galabta soo saaray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaanu u dhignaa sidan:-
Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay ay habeen iyo maalinba dadaal ugu jiraan wacyigelinta dad ay sheegtay inay wadaan xaalufinta deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Sidoo kale waxaa ay tilmaantay in ay muddo qaadaneyso sidii dadkaasi deegaanka dhibaatada ku haya ay u soo afjari lahaayeen.
Hargaysa(RH):-Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif),ayaa sheegay in ay dhawaan dadka barokacayaasha ah iyo qoxoontiga dalka ku sugan u qaybin doonaan biyo iyo agabka nadaafadda.
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde Oo Warbaahinta kula Hadley Magaalada Hargeysa ayaa Xaqiijiyey in Saddex qof oo cusub Qaba Xanuunka Coronavirus laga helay Gudaha Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxaa Uu sheegay in Dadkaasi laga Helay Caabuqa Covid-19 ay Laba qof joogaan Caasimadda Hargeysa Halka Hal qof-na Uu Joogo Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.
Hargeysa(RH)Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ay Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad oo uu ku jiro mushiinka lagu baadho dadka looga shakisan yahay Covid-19.
Boorama(RH)Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa ceelal cusub oo laga hirgeliyey gobolka Awdal kala wareegtay Hay’adda Hafayooko .
Pagination
- Previous page
- Page 31
- Next page