Hargeysa(RH):-shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta ayaa hadda qorshaynaysa bilowga wejiga labaad ee balaadhinta Dekedda Berbera ,Sida ay baahisay Warbaahinta Dowlada Somaliland
Shirkada DP World ayaa wada hirgalinta qorshaha inay gaadhsiiso laba milyan oo kontiinar sannadkii inay ka soo degaan dekedda Berbera, taasoo keenaysa in la kordhiyo masaafada dekedda ilaa 1,000m iyo soo iibsashada todobo wiishash STS oo kale..