Hargeysa(RH)Wasaaradda Caafimaadk Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beenisay in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha xilliga ay shaqada joojiyaan kuwaasi oo looga imaan jiray qaar ka mid dalalka jaarka .
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somalilland , Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si kooban Arintaasi uga Hadley ayaa Meesha ka saaray warar sheegayey in ay fadhiisteen mashiinada lagu sifeeyo kelyaha waxaanu yidhi: “Mashiinada kelyaha lagu sifeeya way inoo shaqaynayaan ee soo eega oo tagga waata bukaanka loogu shaqaynaayo markaa mashiinadu madaama ay inoo shaqaynayaa oo dadkii u sifaynayaan ilaa dhawr iyo toban mashiin , mashiinka fadhiista waynu hagaajinaynaa laakiin mashiinadu dhammaan way inoo shaqaynayaan ‘ ayuu yidhi