Rasmus Paludan oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Denmark Sababo La Xiriira Hadallo Cunsuriyad ah oo Ka Dhan ah Muslimiinta

RH: Talaadadii lasoo dhaafay, aas-aasaha xisbiga Stram Kurs, Rasmus Paludan, ayaa lagu xukumay Sweden sababo la xiriira hadallo nacayb ku ah Muslimiinta. Maanta, markale, waxaa suuragal ah in lagu xukumo Denmark sababo kale oo cunsuriyad ah.

Talaadada galabnimada, Paludan oo 42 jir ah ayaa lagu wadaa inuu kasoo muuqdo maxkamadda degmada Copenhagen, halkaas oo uu wajihi doono eedeymo ah inuu jabiyay qodobka 266 b ee sharciga dambiyada ee loo yaqaan "qodobka cunsuriyadda."

Eedeymaha loo heysto waxay la xiriiraan hadallo cunsuriyad ah oo uu sameeyay sanadaha 2018 iyo 2019, kuwaas oo lagu baahiyay muuqaallo ku jiray kanaalka YouTube ee xisbiga Stram Kurs.

Eedda Koowaad:

Qodobka ugu horreeya ee eedeynta wuxuu la xiriiraa muuqaal lasoo dhigay YouTube ka hor inta aan la gaarin ciida Christmas ee 2018. Muuqaalkaas ayaa la sheegay in lagu duubay New Jersey, Mareykanka, inkastoo wakhtiga saxda ah ee la duubay aan la caddeyn.

Muuqaalka, Paludan wuxuu ku sheegay hadallo liddi ku ah Muslimiinta iyo Islaamka, kuwaas oo, sida ay sheegtay xeer-ilaalinta, ah kuwo hanjabaad ah, sharaf dil ah, ama meel ka dhac ah. Wuxuu sheegay in awood xoog leh oo la adeegsado ay tahay tan kaliya ee Muslimiintu fahmaan. Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Islaamka inuu yahay diin la xiriirta "dil, xadgudub, kufsi, burburin, iyo hoos-u-dhigid kuwa aan Muslim ahayn."

 

Eedda Labaad:

Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay muuqaal kale oo lasoo dhigay isla kanaalka YouTube 17-kii Agoosto 2019. Muuqaalkaas oo lagu duubay waddada Nørrebrogade ee Copenhagen, ayuu Paludan ku yiri:

 "Celceliska heerka garaadka (IQ) ee dadka Soomaaliya waa 68, halka celceliska heerka garaadka ee daanyeerka 'orangutang' uu yahay 69."

YouTube ayaa go’aansaday inay xiraan kanaalka Stram Kurs bishii Febraayo 2020, iyagoo sheegay in kanaalka uu jebiyay siyaasadaha shirkadda ee mamnuucaya faafinta nacaybka ku saleysan diin, midab, naafonimo, ama hayb jinsi.

Paludan Wuxuu Sheegay Inuu Aan Dembi Galin

Ka hor maxkamadeynta maanta, Paludan ayaa sheegay inuu gebi ahaanba yahay mid aan waxba galabsan. Wuxuu ku dooday in mid ka mid ah eedeymaha uu yahay mid dhacay wakhti laga soo gudbay (oo aan sharci ahaan la maxkamadeyn karin), halka kan kale uu sheegay inuu ka dhacay Mareykanka oo uu sheegay inay halkaa sharci darro ahayn.

Wuxuu horay uga soo muuqday maxkamado kale dhowr jeer oo loogu soo eedeeyay dambiyo kale oo cunsuriyad ah. Tan ugu dambeysay waxay ahayd 2021, markaas oo lagu xukumay saddex bilood oo xabsi shuruudaysan ah.

 

tarjumaada: Mohamed-Amiin

Category