Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 9aad ayaa U Geeriyooday Somaliland Xanuunka CoronaVirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Caafimaadka Somaliland.
Sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxay shaacisay in 24 Saacadood ee u Dambeeyey Baadhitaanadii la Sameeyey 18 Qof Oo Cusub laga Helay Xanuunka Covid-19
Bukaanada Cusub ee Xanuunka laga Helay ayaa kala Jooga Magaalooyinka
Hargaysa (15 qof)
Oodwayne (1 qof)
Boorama (1 qof)
Burco (1 qof)
Da’da Bukaanadan ayaa u Dhaxaysa 20 sano ilaa 70 jir,Waxayna kala yihiin 9 Nin iyo 9 Dumar Ah Isla markaasina ah 17 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah.
Wadarta Guud Ee Xanuunka Laga Helay Ayaa Ah 121 Qof,waxaana Xiligan Xunuunka u jiifa: 104 qof waxaana Xanunka Ka Bogsaday: 8 qof ,waxaana Xanuunka u Geeriyoodey inta la ogyahay 9 qof
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxay Bulshada Somaliland Ugu Baaqday inay Qaataan Talooyinka Bahda Caafimaadka iyo ta Gudida Ka Hortaga Covid 19 ee Somaliland.