Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka itoobiya ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ay ka heleen ra’isul wasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisa ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada hargeysa, waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, Xildhibaanada Sadexda gole qaran salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda ka tirsan.