Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dhumay.
Dagaalka dhumay ee wakhtigani maaha mid la aqbali karo, mana aha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda.