Hargeysa(RH):-Xildhibaanada golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukuumadda iyo ganacsatada dalka u soo jeediyey in la kiciyo wershada Sibidhka ee Berbera taasi oo xidhan muddo soddon sanno ah.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Maalgelinta Warshada Sibidhka ee Berbera ay qaranka muhiim u tahay in deg-deg loo howl-galiyo.