Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan muhiima la yeeshay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeennadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Sannad ayey ku buuxdaa markii tallada dalka ay qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana taariikhda u gashay Jamhuuriyadda Somaliland in xafladdii caleemo-saarka Madaxweynuhu uu xilka kula wareegayey 13kii December 2017kii, ay kulmisay saddex madaxweyne oo si dimuqraadi ah loo soo doortay oo xilka mid walba si salmi ah u wareejiyey markay dhammaatay muddadii xil hayntiisu.
Hargeysa(RH)Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka,
Hargeysa(RH)Bandhiga Carwadii 8'aad ee Ganacsiga Somaliland oo Guleed Hotel Hargeysa ka socotay 9-15 December 2018 ayaa si rasmiya loo soo gabagabeeyey.
Carwadan oo ah mid sanadkiiba hal mar Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland ku qabato Hargeysa, ayaa ahayd tii 8'aad ee heer Caalami ah ee Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland soo qabanqaabiso, taasi oo sidoo kale ahayd tii ugu balaadhnayd uguna muga weynayd ee abid lagu qabto Somaliland.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Xildhibaanada aqalka golaha wakiiladda Somaliland.
Addis-Ababa(RH)Madaxweynihi hore ee Dalka Itoobiya ayaa xalay ku geeriyooday Cispitaal ku yaala magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya
Geerida madaxweynaha ayaa waxaa baahisay Ethiopian Press Agency isla markaana waxay sheegtay in Madaxweynihi hore ee Itoobiya inuu Xalay saqdi dhexe uu ku geeriyooday Isbitaalka ciidamada ee Tor-hayloch oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.
Hargeysa(RH)Kulan wadatashi ah oo ay si wada jira u qaban-qaabiyeen Xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland u qaabilsan nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka ee qaran iyo hay’adda WFP ayaa lagu qabtay magaaladda hargaysa.
Hargeysa(RH)Agaasimaha Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo, ayaa ka hadlay socdaal ay ku marayaan Gobolada Galbeedka Somaliland oo ay ugu kuurgalayaan laamaha kala duwan ee Baanka dhexe ee Goboladaas iyo qiimayn ay ku soo sameeynayaan Shaqaalaha, baahiya jira si ay qorshaha ugu darsadaan.
Laascaanood(RH)Wasiirka hawlaha guud,dhulka iyo gureyeynta Md Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa deegaanka Carro-wayn gobolka Buuhoodle ku soo dhaweeyey laba boqol iyo soddon askari oo ka soo goostay maamul goboleedka Somalia ee Puntland.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.
Pagination
- Previous page
- Page 80
- Next page