Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khalad ah, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Somaliland. Astaanta saxda ah iyo tan khaldan ee wasiirku soo bandhigay ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Hargeysa(RH)Waxaa maanta Xarunta Taliska Ciidanka Qaranka ee Magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibada Xuska sannad guurada 25aad ee aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qaybgalay sannad guurada 25aad ee aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019, markii dhidibada loo taagay ciidan qaran oo Dalku yeesho.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan kun oo Dollar) aanay saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha.
Nairobi(RH):-Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dalka Sweden ee qaaradda Yurub oo ka mid yahay xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageerada ugu weyn ka gaysta horumarka dalka Somaliland.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka soo dabcay mawqifkii uu ka taagnaa xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee lagu marunsan yahay kala diristooda ka dib culeysyo badan oo kaga yimi wadamada Somaliland ka taageera hannaanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, waxaana la sheegay in ay ku goodiyeen in aanay aqbali karin dib u dhac ku yimaadda Doorashooyinka Dalka.
U jeedada Kulan Dhexmarey Wasaarada Caddaaladda,Maxkamada Sare iyo Xeer ilaalinta Guud ee Somaliland
Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md.Cabdiqani Maxamuud Caateeye gudoomiyaha maxkamada sare JSL Md.Aadan X. Cali iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Md.Xasan Axmed Adan ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska gudoomiyaha maxkamada sare JSL,
Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin inay Doorashada galaan, balse aanay diyaar u ahayn in Komishanka Doorashooyinka oo jooga ay galaan, madaama uu tilmaamay in aanay ku kalsoonayn.
Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa ku bookhday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door , ka dib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah oo ka haleelay lugta iyo gacanta bidix.
Pagination
- Previous page
- Page 75
- Next page