Nairobi (RH)-Hurdadu waxay faa'iidooyin badan u leedahay jirkeena iyo caafimaad qabka maskaxdeena.
Si la mida sida neefta, cabbista iyo cunida uu jirku ugu baahan yahay inuu u helo si joogto ah ayey hurdadu ula mid tahay jirka inuu u helo xilliga habeenkii muddo siddeed saacadood ah.
Waa taas sababta hurdadu uga mid tahay waxyaabaha aadka muhiimka ugu ah aadamaha sida khubaradu ay sheegeen.
Waxaana mar walba maqalnaa ama aragnaa tallooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira in qofku helo hurdo wanaagsan si uu uga badbaado cudurro badan oo ka dhasha hurdo la'aanta.
Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegaya in hurdadu,ay tahay cuntada jirka bani'aadamka waana hab lagu dhiso laguna dajiyo oo lagu sugo caafimaadka maskaxda qofka.
Maxaan hurdada ugu baahanahay?
Hurdadu waxay muhiim u tahay soo saarista hormoonnada qaarkood, sida hormoonka koritaanka.
Sidoo kale, inta aad hurudid waxaa jirkaagu dayactir ku sameeya soo kabashada unugyada dhaawacan iyo kuwa dhimanaya.
Hurdadu waxay sidoo kale noo ogolaataa inaan dib u soo celino, dib u habeyno oo si fiican u dheelitirno hababka jireed ee jirkeena dhexdiisa.
Cilmi-baadhis ay 2013-kii ay soo saareen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Rochester ee New York, ayey ku sheegeen in sunta ku ururta maskaxdeenna saacadaha soo jeedka laga saaro maskaxda xilliga hurdada.
Cilmi baarisyada caafimaadka ayaa qaba in qofka aan helin hurdo ku filan xilliga habeenkii ama dhammaan habeen iyo maalin uu halis ugu jiro in uu la kulmo xanuuno dhanka maskaxda ah oo haleela.
Barre Xuseen Jaamac, waa dhakhtar bartay cilmi nafsiga iyo cudurada guud oo ka howlgalada dalalka UK iyo Ireland.
Waxaa uu BBC-da u sheegay in khataro caafimaad oo badani ku gadaaman yihiin dadka aan helin hurdo ku filan.
Dhakhtarku wuxuu u kala qaaday hurda la’aanta laba nooc oo kala ah mid ay sababaan xanuunno iyo mid ruuxa si ikhtiyaara u samaayo.
“Waxaa loo kala qaybiyaa in qofku seexdo oo misna dhowr jeer kac kaco ama khalkhal kaga timaado hurdada. Taas ayaa noqon karaysa mid dhacda habeen ama labo amba toddobaad ah, midna waa mid joogto ah,” ayuu yiri Dr Barre.
Hurdadu waa arrin jirka u sahasha inuu qabto shaqooyin waaweyn oo ku xiran jiritaanka qofka, sida dayactir dabiiciya oo uu isku sameeyo jirku inta uu qofku hurdo habeenkii sida uu BBC-da u sheegay Dr. Barre Xuseen.
Shaqooyinka jirku qabto xilliga hurdada
Jirka oo wasakhda iska saara
Dheefshiidka oo nafaqada cunada ka saara.
soo saarista hormoonnada qaarkood, sida hormoonka koritaanka
Hurdo la’aanta iyo xanuunada dhimirka
Hurdada oo ku yaraata qofka waxa ay sababi kartaa in xanuunada dhimirku ay ku dhacaan qofka markaas oo la arko qof isla hadlaya ama kaligiis meel taagan oo qaylinaya.
“Marka hurdadu yaraato waxaa qofka ku badanaya welwelka, diiqada, ciririga marka xaaladaasi sii socoto waxa qofka ku dhacaya xanuuno ay ka mid yiiin calool istaaga, haddii qofku seexan waayo waxaa imaanaya laba xaaladood oo waaweyn oo la yiraahdo (psychotic episode) oo ah in qofku ka baxo xaaaladii caadi ahayd”ayuu BBC-da u sheegay Dr. Barre.
Wuxuu intaa raaciye in xaaladas marka ay timaado (psychotic episode) la arkayo qofka oo dhahayo “Waa lay dilayaa. waa lay daba socdaa, waa lay falay. mararka qaarna u qofku maqlayo codod oo dhahayo hebel baa ila hadlaya. mararka qaarna hadalkiisa iyo fikirkiisuna khalkhalayo”
Dr. Barre, ayaa xusay xaaladaaha noocaas oo kale ah ay aad ugu badanayaan dadka Soomaaliyeed taas oo muujisayo sida uu sheegay in xaalado dhimirka oo qofka ku soo food leh oo u baahan in la caawiyo.
Dhakhtaru wuxuu tallo ku bixiyey in qofka haddii lagu arko dabeecadaas ka duwan sidii uu horrey u ahaa ay mudan tahay in la qabto oo la seexiyo si loo dajiyo ama lala gaaro xarumo caafimaad.
Hurdadu waxay dawo u tahay xanuunno badan oo ku dhaca aadanaha, waxayna jirkeena siisaa.
Hagaajinta difaaca jirka
Maskaxda oo ay siiso caafimaad
Ka hortaga sonkorowga iyo wadne xanuunka
degganaansho maskaxeed
kobcinta maskaxda.
Waxaa kugu dhici kara haddii aadan helin hurdo kugu filan
Haddii qofku uusan helin hurdo ku filan oo uu seexdo, dhakhaatiirka ayaa rumaysan inuu isku arki karo.
Sidee bay nolosha casriga ahi u saamaysaa hab-nololeedkeenna hurdada?
Cilmi-baadhis uu hor kacayey Prof Charles Czeisler, oo ka tirsan Harvard Medical School ayaa lagu sheegey in dadka akhriya buugaagta elektaroonigga ah ka hor inta aanay seexan inay ku qaadato wakhti dheer inay seexdaan, ay hoos u dhigto heerka melatonin (hormoonka nidaamiya saacadda gudaha ee jidhka) oo ay yaraato.
"50-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa jiray hoos u dhac ku yimid celceliska muddada hurdada iyo tayada”sida cilmi baaristu sheegtay
Mid ka mid ah siddeedii qofba wuxuu ku hayaa taleefoonka gacanta inuu shido qolka jiifka habeenkii, taasoo kordhinaysa khatarta hurdadeena inay carqaladeyso.
Daraasado badan ayaa sheegaya in ay jiraan cadaymo muujinaya in hurdo la'aanta ay la xiriirto buurnaanta, macaanka, niyad-jabka iyo rajada nolosha oo hoos u dhacda - halka kuwo kale, sida Prof James Horne, oo ah cilmi-baare hurdada oo ka tirsan jaamacadda Loughborough ayaa aaminsan in hadalka noocaas ahi uu yahay "cabsi".
Cilmi-baarisyaa iyo khubarada caafimaadka ayaa isku raacsan in helitaanka hurdo kugu filan ay horseed u tahay caafimaad iyo hab noleed hormarsan.
Xigasho: BBC