Muqdisho (RH)-Doorasho iminka soo dhamaatay oo ka dhacday xarrunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay Sanatar Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo xilkan hayay shantii sanno ee la soo dhaafay.
Cabdi Xaashi ayaa la tartamay wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo helay 24 cod iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo isna helay labo cod.
Guddoomiyaha kumeel gaarka ee aqalka sare Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay in Sanatar Cabdi Xaashi uu noqday guddoomiyaha cusub ee aqalka sare.
Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha aqalka sare.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia