Xulashada dadban ee Soomaaliya ka socotay ayaa mareysa heer gebogabo ah, iyada oo ilaa hadda la xulay golaha shacabka xildhibaanno gaaraya 213(77%), tiradaasi waxaa mar kale soo noqday ilaa 69 xubin halka ay cusub yihiin 144 xildhibaan.
Somaliland iyo Banaadir ayaa dhameystiray xulashada halka Galmudug oo ku xigta ay xushay 31(84%) xildhibaan, waxayna maamullada kale u kala xuleen: Koonfur galbeed 56(81%), Hirshabelle 21(56%0 iyo Jubbaland 23(53%).
Qoondada haweenka ayaa sanadkan aad u liidata, iyada oo ilaa hadda la xulay 43 xildhibaan oo u dhiganta (20%) hal ay raggu qaateen 170 xildhibaan oo ah (80%), rajoweyna lagama qabo inta dhimman.
Xulashada socota ayey shacabka ka muujiyeen niyadjab, waana middii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo marka lacagta baxeysa laga soo tago ay soo baxeen magaca xulasho, kursi xiran, hebel ama heblaayo ayaa la siiyey, maamulka ayaa wato iyo arrimo kale.
Yaa Xulashada Kusoo Baxay, Yaase La Ceyriyey:
Somaliland ama goboolada waqooyi, waxaa xildhibaannida waayey Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xuseen Carab Ciise , Maxamed Cumar Carte iyo qaar kale halka ay kusoo biireen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Mahdi Maxamed Guuleed oo ra’isul wasaare ku xigeen ahaa iyo xildhibaanno kale oo ku dhowaad 10 ay yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah iyo xubno amniga ka shaqeeya.
Puntland: Maamulka Puntland oo ah maamulka mucaarad ku ah Farmaajo, waxaa uu ceyriyey xildhibaannadii Nabad iyo Nolol sida Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Saadaq Xirsi Warfaa, Jamaal Maxamed Xasan, Maxamuud Xayir Ibraahim isaga oo taa badalkeeda soo saaray xubno ka tirsan golaha wasiirada ama xildhibaannada Puntland iyo shaqaalaha dowladda sida Cabdullaahi Xasan Rooble, Bashiir Cabdi Ameerika, Fardowsa Cismaan Cigaal, Xirsi Jaamac Gaani, Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan), Daa’uud Cabdikarim Sheekh Cumar, Maxamed Faarax Nuux iyo qaar kale.
Galmudug: Maamulka Galmudug oo gacansaar la leh regime-ka Farmaajo ayaa waxaa ka dhacday xulasho, musuq iyo kutakrifal awood, iyada oo xubinnimadii golaha shacabka ay waayeen xildhibaanno Mucaarad ahaa iyo qaar muxaafid ahaa oo beelaha ay iska diideen in dib loo doorto.
Xildhibaannada golaha laga saaray waxaa ka mid aha: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, Ubax Tahiil, Xasan Macallin Maxamuud Sh. Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Maryan Cariif Qaasim, Cabdi Shire Jaamac iyo Saciid Nuur Qayliye “Siciid Giriish”.
Dhanka kale, xildhibaannada cusub ee kasoo baxay Galamudug waxaa u badan ciidan sida: Maxamed Abuubakar Cali(Jacfar), Cabdullahi Aadan Kulane(Jiis), Dayax Axmed Cumar, Saadaq Cumar Xasan iyo qaar kale
Hirshabelle: Maamulka Hirshabelle waa maamulka ilaa iyo hadda ugu fiican maamul goboleedyada, waxaa xildhibaannada aan soo noqon ka mid ah Cabdullaahi Colaad Rooble, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyada oo inta badan Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka uu qanciyey beelaha, laakin dadka soo baxay ee cusub waxaa ku jira qaar ciidan ah ama gacansaar la leh Farmaajo sida Fahad Yaasiin Xaaji iyo Maxamed Deeq Barre Cumar.
Koonfur Galbeed: Maamulka Cabdicasis Laftagareen ee Koonfur galbeed ayaa sameeyey isbadaladii ugu badnaa, Baydhabo oo gacansaar la leh Regime-ka Farmaajo ayaa xataa ceyrisay xildhibaano aaminsanaa Farmaajo. Dadka aan soo laaban waxaa ugu caansan: Idiris Cabdi Taqtar, Cabdirashiid Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Dhalxa, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey, Ibraahim Isaaq Yarow, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe), Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go), Shariif Sheekhunaa Maye, Maxamed Nuuraani Bakar, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi), SH. Shaacir Sheekh Maxamed Xasan iyo qaar kale.
Koonfur galbeed dadka xildhibaannada cusub helay waxaa ay u badan yihiin qaraabada iyo xididka Cabdicasiis Laftagareen, wasiirro xukuumadiisa ah iyo xubno baarlamaanka Koonfur galbeed, guddoomiyihii baarlamaanka maamulka, xubno ka tirsan NISA, farsamayaqaanno iyo qaar aan aqoon laheyn.
Jubbaland: Dhanka Jubnbaland inkasta oo aan wax badan la dooran hadana dadka uu Axmed Madoobe saaray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi), Maxamed Xasan Idiris iyo qaar kale isaga oo keenay wasiirro Jubbaland ah iyo siyaasiyiin maamulka gacansaar la leh sida Cabdinuur Cali Aadan, Cabdirashiid Jire Qalinle, Saadaq Cabdullahi Cabdi, Dr. Siciid Maxamed Cali, Cabaas Cali Ibraahim, Cumar Ibraahim Xaashi, Xasan Xuseen Maxamed iyo Xamza Cabdi Barre.
Inta ay socotay xulashada, waxaa soo batay cabashada dad Farmaajo horay u taageersanaa oo xilal ka waayey maamuulo gacansaar la lahaa Regime-ka sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyaga oo qaarkood ay la wadaageen shacabka Soomaaliyeed shalayto, taasi oo cabsigelin ku abuureysa haddii ay jiraa qaar weli taabacsan Farmaajo, mugdina gelineysa rajadii uu madaxweynaha hore ka qabay inuu dib usoo noqdo 2022-ka.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Aragtidan waxa ay gaar u tahay qoraaga magaciisa ku qoran, kama turjumeyso siyaasadda Radio Hormuud