Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta la wareegtey Xarumihii guud ee telefishannada Horyaal iyo Eryal ee Magaalada Hargeysa, Ciidamo sida warqadd xayiraadda ayaa saaka qabsaday Xarumaha Telefishenada Horyaal, iyo Eryal iyagoo ku Amrey Hawlwadeenada inay shaqada joojiyaan.
Ilaa hada xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax faahfaahina kama bixin Talaabadan ay Albaabada ugu laabtey Xarumaha Tvyadan Madaxabanaan,Balse Waxay wararku sheegayaan in warqadan lagu Xayirey labadan Telefishan ay ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye.