Hargeysa(RH)Fadhigii 21aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa lagaga Dooday Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002
Xeerkan oo Doodiisu mareyso Maalintii 3aad.ayaa xidhibaanada kala duwan ee mudada uu Golaha Horyaalay Doodooda ka dhiibtey ay isku maandhaafsan yihiin Ansixintiisa.
Mudanayaasha Xeerkan ka Dooday ayaa waxay kala Ahaayeen :-
- Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal: waxaa uu soo jeediyey in Xeerka magiciisii loo daayo, sidoo kale 14ka Gobol ee dalka magaaalo madaxyadoodu in ay noqdaan Derejada “A”ayuu soo jeediyey, xildhibaan Raygal waxa uu soo jeediyey in Gobolkii Maroodi jeex noqdo a) Caasimada oo 6 degmo ah, b) Gobolka Hawd iyo c) gobolkaa Gabiley. Sidoo kale waxa xildhibanku uu is daba marayey qoondada kabka ee derejooyinka oo sida ay u kala weyn yihiin, waxaan derejada A SIINAYAA waa CEELAL, LAAS-CIIDLE, iyo
- Xildhibaan Maxamed X Xuseen Ciise: Xildhibaanku magaca xeerka ayuu soo jeediyey in sidiisii uu ahaado waxaanu yidhi “xaga danbe waxa lagaga dari karaaa kelmadan Kaabista oo noqonaya sidan “ Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka wax ka bedelkii 2aad”, waxa uu soo jeediyey in qiimayn danbe lagu sameeyo sida xeerkuba dhigayo derejooyinkana wax laga bedelo.
Waxa uu waafaqay kuraasta ay gudidu u soo qoondaysay degmooyinka dalka in laga doorto, Xildhibaanku wxuuu ku dheeraaday sida aanay macquulka u ahayn in 70degmo oo dheeraada loo soo sameeyo ee ay dawladnimadii u kharibaysa.
Waxa uu soo jeediyey in 18 bIlood laga dhigo qiimaynta Gobolada iyo degmooyinka .
- Xil Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe:- waxa uu soo jeediyey in Xeerka loo saaro Guddi Gaara (ADHOC Committee ) waayo xeerku dhamaaantii wuxuu u baahan yahay dib ugu noqosho.
Waxa uu ku dheeraaday si weyna u dhaliilay nidaamka maamul daadejineed iyo dawlad la’aaneed ee ka jirta gobolada bariga iyo guud ahaan dalkaba waxa xildhibaanku uu sheegay in aanay totally jirin maamulkii isku duba ridi lahaa baahiyaha heer gobol iyo heer degmo oo maanta ay bulshadii dayacan tahay.
Waxa uu sheegat inuu xeerkani heer gobol kamaqan yahay oo ay tahay in lagu soo daro awoodaha gobolka iyo sida degmooyinkani isugu xidhmayaan.
Waxa`uu xildhibanku waafaqay soo jeedintii gudida ee kuraasta degmooyinka laga dooranayo.
Waxa uu xildhibaan Kijaandhe si adag u soo jeediyey si dadku u manaafacaadsadaan dhulkooda awoodooda la daadejoyo loona ogolaado
- Xil Maxamuud Ismaaciil Badde:- waxaa uu xildhibaanku taageeray magicii hore ee Xeerka waxaana sheegay in xukuumadaha dalka soo maray ay u fududahay in gobo lama degmo la magacaabaa balse ay ku adag tahay qiimayntoodii iyo shuruudo marinteeda.
Waxa uu soo jeediyey in dhamaan degmooyinkii iyo goboladii digreeto madaaxweyne ku soo baxday in ay xeerkan ka muuqdaan ilaa inta si rasmiya loo soo qiimaynayo, waxa uu soo jeediyey in komishanka qiimaynta gobolada iyo degmooyinka degdeg loo magacaabo si ay 2 sano ugu soo dhamaystiraan qiimayntaas.
Waxaan ku raacsanahay in la dhimo waxaanan waafaqsanahay buu yidhi sidii xukuumadu u soo dhigtay .
Waxa uu sheegay marka doorashada golaha deegaanku waqtigeedii dhici wwaydo Hadaynu kala dirno dimuqraadiyadii baynu ku tumanaynaa dib u noqoshana way inagu noqonaysaa waa in haalkaas la yidhaahdaa waxa goaan ka gaadhaya guurtida oo mudada u kordhinaya.
Waxa uu sheegay in xil ka qaadista Duqa iyo kuxigeenkiisa in lagaga qaado kala badh iyo hal tirade golaha (Absolute Majority).
Waxa xildhibaan Badde uu soo jeediyey degmooyinka kastamada leh ee 10% ka qaata hadana kabkana qaadanaya wwaa cadaalad daro , waxa uu sheegay in degmo kasta ileheeda dhaqaale halkeeda ay ku qaadataa qoondada kastamkeeda 10% ka tusaale ahaan Xoolaha gobolada Togdheer, Sanaag iyo SOOL Waa inay halkooda ku qaataan .
Gudoomiye waxaan codsanayaa soona jeedinayaa in gudi khubaro ah oo garanaya oo gaar ah loo saaro xeerkan si ay degdeg ugu soo celiyaan goalaha waxna uga soo bedelaan xeerkan.
- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac):- waxaa uu xildhibaanku waxaa uu yidhi Waxaaan soo jeedinayaa mudane Gudoomiye in xaruntii dibu xoraynta Dalka ee Baligubadle laga dhigo “A+” oo laga horaysiiyo dhamaan degmooyinka waaweyn ee jira maadaama ay ka mudan tahay
- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale:- xildhibaanku waxaa uu yidhi magaca xeerka waxaan u daayey sidiisii hore, waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in Zones loo qaybiyo deegaanada oo 5tii tuulaba loo wada sameeyo gudida horumarinta ZONE-Heblaayo.
Tirada xubnaha degmooyinka waxa Uu soo jeediyey
Caasimada 19
A B C D
15 13 9 5
Kabka degmooyinka waxa uu sheegay in derjeda lagu sar jaro oo aanay degmooyin isku derejo ahi kala kab badsanin.
Waxaan soo jeddinayaa in Guddi gaar ah loo saaro xeerkan oo dib u soo lafa gurta
- Xil Cabdiqaadir Jaamac Xaamud: Xeerka magiciisii hore ayuu soo jeediyey in loo daayo oo uusax ku yahay waxaa kale o uu soo jeediyey in waqtiga 2da sano ah ee gudida qiimaynta in lagu soo ururiyo 6 bilood maadaama ay waqti dheer tahay.
Waxa uu waafaqay soo jeedintii gudida ee kuraasta degmooyinka marka laga reebo caasimada oo uu sheegay inay ku yar tahay 15 xildhibaan
- Xil Ibraahim Mahdi Buubaa:- waxa uu sheegay in xeerkani inuu dhaqan gala ay cuslaataay oo uu ka da’ weyn yahay goleheenan sababaha uu u shaqayn waayayna waxa uu yahay sida uu u dhisan yahay, waxa uu faahfaahiyey in nidaamkan haddaa golayaasha loo dhisayo laga guuro oo Maayor iyo laba mayor ku xigeen ha loo doorto.
- Waxaan aaminsanahay in degmo kasta oo degmo doorasho ah xisbi waliba soo sharaxdo 3das kursi ee Mayor iyo laba kuxigeen, arintaas daraasad iyo lafa gurid ha lagu sameeyo
- Xildhibaan Ibraahim waxa kale oo uu soo jeediyey in shuruudaha degmo lagu noqon karo uu xeerkani cadeeyaa sida dadka, baaxada dhulka, wax soo-saarka