Golaha Wakiilada JSL Oo Dood Adag ka Yeeshay Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka

Hargeysa(RH)Fadhigii 19aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ay ka soo qayb-galeen 45 Mudane ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002 oo maalmahan Bulshadu aad u hadal haysay

 

cm

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si Adag uga dooday Xeerkani, Mudanayaasha ka dooday  Xeerkanni waxay  kala ahaayeen

  1. Xildhibaan Maxamed X Yuusuf  Axmed (Waabeeye)

dulucda doodiisa; darajooyinka degmooyinka iyo qiimayntooda, waxa uu soo jeediyey in Degmada Hargeysa A+ Waxa ka dhigay suaal baa ka taagan, Degmada Gebiley  maxaa ka dhigay Derejada (A) ? Tiraada xildhibaanada degmooyinka iyo sida aanay isku mid degmooyinka qaar u noqon Karin , xildhibaanada  Dhawrsoonaantooda  iyo  qaybinta degmooyinka ee Kabka cashuuraha

  • Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye

dulucda doodiisa; soo jeedinta wax ka bedelqodobada 15aad, 18aad, 22aad  wuxuu soo jeediyey in kuraasta Degmooyinka ee xildhibaanada sidoodii loo daayo, mudanayaashuna in ay xasaanadoodii yeeshaan oo aan cidina ka qaadin, waxa uu soo jeediyey oo taageeray in Golihii deegaanka ee hore sii joogo inta gole kale la soo dooranayo, waxa uu soo jeediyey in dhaqaalaha kabka ee Degmooyinka  si siman loogu qaybiyo oo derejooyinka loo raaco.

  • Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur

dulucda doodiisa; Labada sano ee qiimaynta oo uu ku soo koobay 16 biloodderejooyinka degmooyinka ayuu soo jeediyey in isku mid laga dhigo oo A+ Aanay jirin ee dhamaan degmooyinka A-da ahi ay (A)  wada yihiin, waxa uu soo jeeiyey in tirada Golaha deegaanka ee 25ka caasimadaa la soo kobo, TIRADA Laga soo dhigay degmooyinka tiradoodana wuu taageeray,  DEREJADA Oodweyne oo 1963kii laga digay B iyada iyo Gabiley in midina A ahaato midina B-deedii ahaataa waa qalad waxaanse u daynayaa gudida qiimaynta soo samaynaysaa sida ay ka yeesho. Waxa uu sheegay in Shaqadii degmada oo dhan la hoos geeyey Duqa, badhasaabka iyo maamulka kalena meesha kama muuqdaan waxa ay ka  qabanayaan isagoo soo jeediyey in  arintaas lagu cadeeyo, Dhawr soonaanta mudanayaasha gole deegaan waxa uu soo jeediyey inay wada leeyihiin dhawrsoonaan iyo xasaanad, lamana kala qaadi karo mayor-ka iyo xildhibaanada in qaarna xasaanad la saaro qaarna laga qaado oo ay ceeb ka gole ahaan inagu tahay. Waxa aan ka soo horjeedaa buu yidhii in madaxweynaha wax kasta la hoos geeyo oo xataa la gaadhsiiyo in xataa uu xilka ka qaadi karo maayor-ka iyo ku-xigeenkiisa.

 

  • Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan:

dulucda doodiisa; xil ka qaadista Mayora-da  oo hore goluhu uga dhigay 2/3 watii abuurtay Digtaatooriyad sababtay in mooshin xeerkan laga keeno, doodii mooshinka waxa ka dhalatay inaanu xasaanad yeelan xildhibaanada golaha deegaanku,  waxa uu soo dhaweeyey in aanay yeelan Xasaanad sidoo kalena waxa uu ku daray ilaa Mayor-ku yeelanin xasaanad, waxa uu soo jeediyey in xilka lagaga qaado mayor-da kala badh iyo hal sidii mooshinkii ka dhalatay golaha la hor keenay, Miisaaniyada dawladaha hoose iyo xisaab xidhkooda waxaan u dhaaxaysiinayaa Maaraynt iyo maamulka Miisaaniyada Dawladaha hoose 

  • Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

dulucda doodiisa;  qaab dhismeedka dawlda waxa uu soo jeediyey sidii xukuumadu soo jeedisay oo sida gudidu soo jeedisay ka haboon,  ansixinta qiimaynta Degmooyinka waxa uu soo jeediyey in ay ku ekaato ansixinta Golaha wasiirada oo Baarlamaanka aan waxba looga baahnayn,  waxa uu soo jeediyey haddii 2 sano gudidu ku sooo qiimayn waydo degmooyinkaas in lagu daro in ay degmooyinkaaasi meesha ka baxaan  oo laga saaro, waxa uu soo jeediyey in la doorto Gudoomiyaha gobolka iyo gudida kale ee Gobolkaba oo ay doorasho ku yimaadaaan.

 

Category