Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Daahfurtey Diiwaangelinta iyo samaynta Manhajka Maddarasadaha Qur’aanka

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay maanta Daah-furtay bilawga diiwaangelinta iyo manhaj u samaynta Maddarasadaha Qur’aanka lagu dhigo ee dalka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo wejiga koowaad laga bilaabayo.

Munaasibadda diiwaangelinta oo ay ka qaybgaleen Wasiirka, Agaasimaha guud, Madaxda Waaxyaha iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda, Madaxda iyo Macallimiinta Maddarasadaha iyo Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku midoobeen, Taliye ku-xigeenka Booliska, Ku-xigeenka Maayerka Hargeysa iyo Marti-sharaf kale, ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa.

 

Ugu horreyn Agaasimaha Waaxda Maddarasadaha iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, isla markaana waxa uu sheegay in marxlado badan oo adag ay ka soo gudbeen Maddarasadaha Qur’aanka iyo Macallimiintooduba oo ay horumar ahaan la jaan-qaadayaan heerka dalka iyo dadku marayaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdillaahi Cabdlaha, ayaa sharraxay wakhtigii ay soo bilaabantay diiwaangelinta iyo qaabka casriga ah ee loo samaynayo, ayaa yidhi; “Sideedaba marka wax la diinwaangeliyo ee xog la helo, ayaa horumar loo gudbaa. Markaa, Wasaaraddu hawshan diiwaangelinta maddarasadaha Diiniga ah, wakhti badan iyo dedaal badan bay gelisay. Waxaannu soo bilawnay bishii June 2018-kii qorshahan ballaadhan oo ay Wasaaraddu go’aansatay, kaas oo ka hirgeli doona guud ahaan dalka, laakiin wejigiisa koowaad aynu ku bilaabi doonno magaalada Hargeysa. Qorshaha oo ahaa qorshe ballaadhan, waxaannu ugu talogalnay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelin doono qaab Kumputaraysidh ah.”

 

Agaasimaha guud mar uu ka hadlayey muhiimadda xog-ururinta ama diiwaangelintani leedahay marka la ogaado tirada iyo tayada maddarasadaha waxa uu yidhi; “Ujeeddada ay Wasaaraddu kal leedahay diiwaangelintaa, waxa ugu waawayn; 1- kor u qaadista iyo dhiirrigelinta hawlaha Maddarasadaha Qur’aanka Alle lagu dhigo. 2- In Manhaj midaysan loo sameeyo Maddarasadaha guud ahaan, iyo in laga hortago nidaam-xumo ku timaadda maddarasadaha, sida in maddarasad mid kale laga ag-furo. 3- In Maddarasadda laga agfuro maddarasad kale. Sidoo kale inay Wasaaraddu ogaato tayada Maddarasadda iyo Macallimiinta la siiyo tabobbarro kor loogu qaadayo aqoontooda. Sidoo kale, in Maddarasad kasta la siiyo sharciyad ama shahaado ay ku shaqayso oo ay Wasaaradda Diinta iyo awqaaftu siiso sannadkii-ba mar.”

Sheekh Jaabir oo ah Engineerka Qalabkan diiwaangelinta casriga ah lagu samayn doono hab ahaan u sameeyey Wasaaradda, waxa uu yidhi; “Wakhtigan aynu joogno oo la yidhaahdo waqtiga casriga ah oo dunidu noqotay hal tuulo, waxa loo baahan yahay in lala jaanqaado wixii cusub. Nidaamkan.”

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), “Annagu ciidan ahaan si weyn baannu idiinla shaqaynaynaa amni ahaan iyo ka war-qabista. Wasaaradda aad baannu u wada shaqaynaa, waxaannu idiinka ballan-qaadaynaa dhinaca nabadgelyada iyo wixii idinka hor-yimaadda ee mushaakil ah, diyaar baannu idiinnahay inaannu wax idinkala qabanno oo nala socodsiisaan. Maddaariska Liisammada qaata ee la diiwaangeliyaa waxay noqon doonaan kuwa ugu mudan ee aannu mar walba ka war-helayno.”

 

Sidoo kale, Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-cagaweyne), ayaa soo dhaweeyey qorshahan Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu Daah-furtay, waxaanu yidhi; “Sannadka 2019-ka, waxaannu Miisaaniyaddayada ku darnay 8-da degmo ee Hargeysa ka kooban tahay inaannu mid walba dhul dhaw u raadinno, u iibinno oo u dhisno oo aannu degmo walba Malcaamad Qur’aan ka samayno.”

Maayer ku-xigeenku waxa uu ballan-qaaday inay sii xoojinayaan wada-shaqayntoodii Wasaaradda Diinta iyo Maddarasadaha-ba, isla markaana aanay wax cashuur ah ka qaadi qaadi doonin wax cashuur ah Maddaariska Qur’aanka u gaarka ah, laakiin maddarasadaha culuunta kala duwan bixiya ay cashuurtu waajib ku tahay.

 

Waxa iyagana halkaas ka hadlay Mubaarik Muuse, Sheekh Maxamed Aadan, Axmed Xuseen Tawjiid iyo Xubno kale oo ku kala hadlay afka Jimciyatul Qur’aan iyo Jimciyatul Iqra oo ka mid ah Jicmiyadaha ay ku midoobeen Maddarasadaha Qur’aanka intooda badan, Maamulka Maddarasadaha iyo Hay’adaha Islaamiga ah, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin nidaamkan ay Wasaaradda Diintu hirgelinayso ee Maddarasadaha, Jimciyadaha iyo Macallimiinta-ba lagu ogaanayo, taasoo ay tilmaameen in markaa si guudna loo again karo dhammaan Ardayda Qur’aanka barata tiradooda, gabdho iyo wiilal intay kala yihiin iyo tayadoodaba, kuna hambalyeynayaan Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland iyo Masuuliyiinteeda tallaabadan.

 

Gebogabadii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somalialnd Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa soo afmeeray Daah-furkaas. “Waxaynu isugu nimi karaamayn aynu karaamaynayno Qur’aanka Kariimka ah, gaar ahaan Macallimiinta iyo Maddarasadaha oo aynu doonayno inaynu diiwaangelinno. Barnaamijkani muu ahayn barnaamij iska socday oo dusha la iskaga keenayo. Laakiin, waa bernaamij talo-wadaag ku yimi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed oo faahfaahiyey cidda shahaadooyinka ama liisammada la siin doono iyo sida loo kala saarayo Maddarasadaha, Macallimiinta iyo Jimciyadaha, waxa uu yidhi; “Shahaadada aannu Jimciyadda siinaynaa ma noqonayso mid ku kooban Jimciyadda ee waxay u kala bixi doonaa, Jimciyadda, Macallinka iyo Maddarasadda lafteeda, maddarasaduhuna waxay u kala bixi doonaan, waqfi ma tahay mise waa maddarasad kiro ku jirta? Waxay noqon doontaa markaa warbixin waafi ah oo lagu ogaanayo maddarasadda, xaaladda macallinka, si loo helo macallimiin tayo leh.”

Diiwaangelintan ka bilaabmaysa Caasimadda Hargeysa, ayaa noqonaysa tii nooceeda ah ee ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku samaynayso Maddarasadaha, si ay ugu samayso manhaj isku mid ah, una ogaato tiradooda iyo tayadooda, waxaanay marka Hargeysa la dhammeeyo hawlgalkani u gudbi doontaa magaalooyinka kale ee gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Category