Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ahna guddoomiyaha guddida qaban qaabada 28 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay ayaa sheegay in xuska dabaal dega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May la qaban doono Maalintii ay ku taariikhaysneyd ee 18 bisha Shanaad.
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu ugu baaqay Shacabka Somaliland in si weyn ay ugu diyaargaroobaan Xuska maalintaaasi ,isagoo geesta kale ku booriyay shacabka in ilaalinta aminga guud ee dalka ay kala qeyb qaataan Ciidammada ammaanka.
Wasiir Maxamed Kaahin waxa kaloo uu u soo jeediyey Maayirrada Magaalooyinka dalka in ay kor u qaadaan bilicda iyo nadaafada Magaalooyinka.Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ugu baaqay warbaahinta dalka in wararka la xidhiidha munaaasibada Maalinta Qaran ee 18-ka May in ay gaadhsiiyaan daafaha Caalamka.