Hargeysa(RH)Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo goordhaweyd warbaahinta la Hadley ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay shirweynihii golaha dhexe ee xisbigaasi Kulmiye oo lagu waday inuu magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka furmo 23 Bishan .
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in dib u dhac ku yimid Shirkaasi mudo laba maalmood ah.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxaa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha keenay in dib u dhac ku yimaado shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.