Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-233/112018 uu Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid iyo Isku-beddel
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
Tir
Magaca
Xilka
1-Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2-Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
3-Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uuliyiintan u beddelo xilalkan:
Tir Magaca Xilka
1-Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2-Sacad Cali Shire - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
3-Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) - Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
4-Maxamed Daahir Axmed Furreh - Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
5-Axmed Abokor Maxamed Yuusuf - Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
6-Yuusuf Maxamed Cabdi Raage - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka
7-Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax - Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka