RH: Waxaa jira dalal aan tiro badneyn oo qiimaha maciishada uu aad u hooseeyo. Waa kuwan 10 tusaale:
1-Hindiya – Hindiya waxa ay caan ku tahay qiimo jaban xagga nolosha, gaar ahaan dhulka miyiga ah.
2-Vietnam - Vietnam waa dal caan ku ah dal xiisayaasha aan jeebada buureyn iyo iyo kuwa boorsooyinka ay xambaartaan dunida la wareega sida ardeyda rabta in ay dunida soo barato.
3- Thailand - Thailand waa dal kale oo caan ah oo loogu talagalay safrayaasha miisaaniyada yar, waa dal qiimo jaban sida cuntada, hoyga, iyo gaadiidka.
4- Mexico - Mexico waa wadan weyn oo leh muuqaalo iyo dhaqamo kala duwan, sidoo kale waa mid la awoodi karo in lagu noolaado.
5- Indonesia - Indonesia waa dal leh jasiirado ka badan todoba iyo tobankun oo jasiiradood, waana dal caan kuah dalxiisayaasha, boorsada dhabarka ku qaata, iyo dadka safara iyagoon lacag wanaagsan wadan.
6-Peru - Peru waa waddan ku yaala Koonfurta Ameerika oo leh taariikh iyo dhaqan qani ah, sidoo kale waa mid la awoodi karo in lagu noolaado.
7-Kolombiya – Kolombiya waxaa laga dareemay dalxiisayaasha sii kordhaya sannadihii u dambeeyay, sidoo kale waa meel lagu noolaado oo la awoodi karo kharajkeeda.
8.Masar – Masar waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiidasho leh, sidoo kale waa mid aad u jaban in lagu noolaado.
9.Cambodia - Cambodia waa waddan Koonfur-bari Aasiya ah oo loo caanku ah macbadyo qadiimi ah, sidoo kale waa meel miisaaniyad hoose lagu noolaankaro- dadkooduna waa kuwo furfuran oo saaxiibtinimo leh.
10. Nepal – Dalka Nepal waa dal yar oo aan bad lahayn oo ku yaal Himalayas, waana meel ay caan ku yihiin dadka socod-safar baradka ah iyo kuwa buuraha fuula, iyadoo ay ku noolaadaan qiimo jaban.
waxaa jiri kara dalal kale balse intani waa tusaale uun.
Diyaarinta: Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi.
Radiohormuud.dk