Socdaalkeygii Muqdisho iyo waxyaabihii aan ku soo arkay

Muqdisho (RH)-Waxaan dhawaan tagay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, oo ah halka aan ku dhashay kuna soo barbaaray, halka aan ka sameeyay magaca aan ku dhex leeyahay bahdeyda saaafadda iyo umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku beegmay Muqdisho laba maalin un ka dib weerarkii 27kii bishii November ee sanadkan dhamaanaya ee 2022ka lagu qaaday Hotelka Villa Rays oo u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Maadaama aan Tifaftire ka ahay idaacadda VOAda laanteeda Afsomaliga oo 12kii sano ee u dambeeyay aan ka shaqeynayay, wax badan iguma seeganeyn xaaladda Soomaaliya, laakiin, marka aan Muqdisho tagay waxaan dareemayay wax aanu dareemeyn qof ku nool meel ka baxsan Soomaaliya.

Markii aan ku soo noqday Washinton D.C, ayaa saaxibo badan ay i weydiiyeen wixii aan ku soo arkay Muqdisho, laakiin maadaama aanan mid mid xogta u wada siin karin waxaan go’aansaday inaan warbixintan kooban aan u soo mariyo Baraha Bulshada.

Booqashadeyda Muqdisho waxay timid iyadoo dunidu ay ka soo kabaneyso xanuunkii qayaamaha la mooday ee Dunida gigilay. Waxaa markaa igu soo dhacday inaan is barbardhig ku sameeyo waxyabaha ay wadaagaan Argagixisada Soomaaliya iyo Covid-19, iyo waxa ay ku kala duwanyihiin.

WAXA AY WADAAWGAAN

1. Labaduba waxay saameeyeen sida bulshadu u nooshahay, gaar ahaan marka aad eegto cabsida laga qabo, inkastoo dadkii aan Muqdisho, oo sidan oo kale aan booqday 2021kii ku arkay uu taxadarkooda ku aadan Covid-19 uu aad u yaraa.


2. Labaduba waxay saameyn toos ah iyo mid taban ku yeesheen muuqaalka iyo maskaxda dadka reer Muqdisho, oo wada dhoola cadeynaya, laakiin markaad la sheekeysato ay kuu muuqaneyso tiiraanyo iyo illin ka daadaneysa.

3. Waxay wadaagaan, inay leeyihiin cabsi ilmaqabata ah (invisible fear). Argagixisada Soomaaliya waxay ku abuurtay in qof walba oo Muqdisho ku nool uusan garaneyn meel laga jiro. Subaxiina uu ku soo tooso, isagoo isdhiibay oo kaliya yaqiinsan inuu dhimanayo. Dadka reer Muqdisho waxay iska iloobeen, inkastoo ay kala roonyihiin, jiritaanka meel amaan ah. Waxaana cabsidaa sii xoojiyay markii argagixsadu ay weerartay Hotel ku dhow madaxtooyada oo xitaa xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya aysan lug ku dhex mari karin.

4. Si la mid ah Covid-19 isbedellada uu shaqsiyaadka dunida ku keenay, ayaa falalka iyo cabsida laga qabo argagixisada ay bareen dadka Muqdisho inay la yimaadaan isbedello ku aadan sida ay u noolyihiin. Tusaale: waxaa isbedelay waqtiyada ay dadku magaalada u baxaan, meelaha ay tagaan iyo dadka ay la wadaagaan xogtooda shaqsiyeed. Waxyaabihii aan ku soo arkay waxaa ka mid ahaa: Shaqaalaha dowladda oo subaxyada qaar aan soo shaqa tagin, iyagoo ku saleeya maqnaanshiyahooda, xogaha amaan ee weeraro soo food leh ama laga baqayo oo ay maalin walba isu diraan hey’aaha shisheeye ee deggan Xalane. Waxaad arkeysaa dhalinyaro labisan oo lugeynaya iyo kuwo saaran mootooyinka oo ku badan Muqdisho xilliyada fiidkii wixii ka dambeeya 8da Fiidnimo.

5. Waxaa kaloo ay ku kala duwanyihiin dhaqaalaha. argagixisada (Al-shabab) waxay canshuuro weydiiyaan ganacsatada Muqdisho, inkastoo ay dowladda Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud bilodway dadaal muuqda oo ku aadan sidii illahaasi dhaqaale loo xiri lahaa. Covid-19 inkastoo uu saameyay dhaqaalaha iyo nolosha dadka Muqdishu, hadana, lacag toos ah oo baad ah uma baahna.
 

Weriye Maxamed Colaad Xasan

WAXYAABAHA AY KU KALA DUWANYIHIIN

Waxay ku kala duwanyihiin Isha waxa laga cabsanayo iyo halista. Argagisadu waa halis ay dad abuureen oo ka shidaal qaadaneysa caqiido marin habowsan si loogu gaaro ahdaaf muuqda (Xukun) iyo kuwa Qarsoon. Yoolka argagixisadu waa beegsiga dad kala duwan, geysashada qasaare xooggan iyo abuurista miraha cabsida iyo qalaanqalka, si taa ka duwan, Covid-19 waa halis guud oo dadweyne oo aan laheyn dano siyaasadeed.

Waxaa  kaloo ay ku kala duwanyihiin: Muuqaalka cadowga. Argagixisadu, caadiyan waa dad ama koox la yaqaan oo leh baro iyo xarumo ay ka soo duulaan. Laakiin, Covid-19 ma laha saldhig lagu weeraro ka hor inta uusan qofka ku dhicin si looga taqaluso.                                                              

Waxaa kaloo ay ku kaladuwanyihiin, magaca oo midna uu u taaganyahay xanuun saf mar ah, midna cabsi saf mar ah oo dadka reer Muqdishu ay la kulmaan
 

WAXYABIHII KALE EE AAN SOO ARKAY
 

Marka laga soo tago, isbarbardhigeyga, labadan halis, hadana waxaan soo arkay Muqdisho dhismeysa, qurux badan, dad rajo wanaagsan qaba, laakiin aan hubo in tira badan oo ka mid ah ay la noolyihiin xaaladda caafimaad ee afka qalaad loo yaqaan (PSTD) oo ah xaalad maskaxeed oo qofka ay ku adagtahay inuu ka soo kabto dhacdo xanuun badan oo uu la kulmay.  

Waxaan soo arkay Muqdisho, dhimashada ay qof walba la tahay wax iska caadi ah oo aan laga nixin. Waxaa la i tusay hooyo ganacsi yar ku heysata isgoyska Zobe oo weli fadhida halkii ay ku weysay labadeeda wiil. waxaa la ii sheegay in laba maalin ka dib dadkii qaraxaa ka badbaaday ay meeshooda ku soo noqdeen.

Waxaan soo arkay Muqdisho leh igoysyo ciriiri badan oo dadka iyo gaadiidka ay ku badanyihiin sawirna iga siisay sababta qaraxyadu ay u galaaftaan dad badan oo shacab ah.

Waxaan soo arkay dad ka dhex sheekeynaya hotello iyo maqaayado horey loo weeraray oo dad ay saaxibo yihiin ama yaqaaneen ama ay isla fadhiyeen lagu dilay. Dadkaasi, kalsooni kuma fadhiyaan oo dhiilo ayaa ku jirta, laakiin, waa quus oo waxay aaminsanyihiin inaysan jirin meel amaan ah.                                   

Waxaan soo arkay Muqdisho ay ka dhismayaan daaro dhaadeer oo casri ah oo ay dhisanayaan ganacsato, qurba joog aan badneyn, iyo shaqaale iyo madax dowladeed, oo dabcan dadku aaminsanyihiin in lagu dhisayo hantida dadweynaha oo la musuqmaasuqay.

Waxaan soo arkay Muqdisho la isweydiinayo suaalo la xiriira Musuqmaasuqa sida:

Sidey ku dhici kartaa in xildhibaan mushaarkiisu yahay dhowr kun oo dollar, ama agaasime wasaaradeed inuu ku dhisto daaro qaarkood ku kacaya halmilyan oo dollar?

Fiiro Gaar ah: Waxaa iga xusuusin ah in qoraalkan uusan shaqo ku laheyn mihnadeyda saxafinimo, hey’adda aan u shaqeeyo ee VOAda, isla markaana aanu quseyn cid gaar ah. Waa aragtideyda shaqsi Soomaaliyeed oo booqday magaaladiisa oo cabiraya wixii uu  ku soo arkay.

W/Q: Maxamed Xasan Colaad

VOA Somalia

Category