Hargeysa(RH)Saldigga Militari ee Imaraadka Carabta ee magaalo Xeebeeda Berbera ayaa la filaya in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan 2019-ka waxaana la filaya in halkaasi lagu rakibo qalab taageeraya ilaalinta biyaha Bada Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week, waxaana lagu sheegay war-bixintaasi in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland .
Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda.
“ Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan - Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, "ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.