Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bulsho-weynta Islaamka gaar ahaana bulshada reer Somaliland ee dunida dalacadeeda ku kala nool, Ugu Hambalyeeyey munaasibada Ciidal Adxa awgeed
Hambalyada Madaxweyne Ku Xigeenka ee Ciidal Adxa
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.
Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.
Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.