Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey Safarkii gudashada waajibaadka xajka ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.
Waxaana Safarka Madaxweynaha Somaliland Faahfaahin ka Bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey madaxweynaha Somaliland, Waxaaanu sheegay inay Kulamo kala duwan la yeesheen Masuuliyiinta iyo Madaxda Dawladda Sucuudiga ka dib markii ay soo guteen waajibaadkooda xajka.