Hargaysa (RH)Gudoomiyaha maxakamadda sare Ee Somaliland oo uu weheliyaan gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada iyo agaasimaha maxadka tababarka shaqaalaha dawalada ayaa maanta tababar usoo xidhay 102 xubnood oo ka tirsan garsoorayasha iyo kalkaaliyeyaasha maxakamadaha dalka
Tababarkan oo ka socday muddo Maxadka Shaqaalaha Dawlada ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha Maxadka Shaqaalaha Guuleed Saleebaan Hagoog waxaanu sheegay in uu soo dhawayanayo garsoorayaasha iyo kaaliyeyaasha tabarka u dhamaaday isagoo ku bogaadiyay sida habsamida ah ee ay aqoonta ay baranayeen u qaateen
Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhiiri galiayay xubnaha tababarka qaatay in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan shaqooyinkooda waxaanu sheegay in aqoonta ay barteen ay fure u tahay hiigsiga iyo aragtida fog ee qarankeena
Garsoore Axmed Cabdi Xasan oo ka mida ahaa xubnaha tababarka qaatay islamarkaan ka tirsan garsoorayaasha Maxakamda Racfaanka Gobolka Maroodi jeex ayaa sheegay in duruustii ay qaateen ay ugu adeegi doonaan dadweynaha ay u shaqeeyaan
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Gabagabdii waxa uu halkaasi hadalo dhiiri galin ah ugu soo jeediyay masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawalada , Maxadka tababarka shaqaalaha dawlada iyo xubnihii tabararka qaatay , isagoo ku booriyay inay bulshada cadaalad ugu adeegaan, waxaanu halkaasi ku gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino la xidhiidha aqoonta ay barteen.