
Nairobi (RH)-24 sano kadib,Diyaaradii uu nadiifiyaha ka ahaa ayuu maanta ka noqday Duuliye buuxa/ Pilot.
Maxamed abuubakar oo dalka Nigeria u dhashay,ayaa taariikh dhigay,Kadib markii uu duuliye ka noqday Shirkada diyaaradaha ee Azman Air oo uu nadiifiye ka ahaan jiray .
Maxamed ayaa lacagtii uu nadaafada ku qaadan jirey ayuu mudo Kaydsanayey,wuxuuna ku galay machad lagu Barto duuliyenimada .
Dedaal sanado badan qaatay,kadib maanta wuxuu helay Shatiga Duulinimada,Waxaana loo xiray darajada Captain,isaga oo ka soo gudbay caqabado badan.
Raganimo Waa Taas,Bal eeg farqiga u dhexeeya Nadiifiye iyo Pilot,Taasina waxay cadayn u tahay qofku haduu dedaalo wax celin kara majiraan !
W/Q:Abdirisak Jubba