Warar

Muqdisho (RH)—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Labada wasiir ee xilka ku kala wareegay ayaa goobta ka akhriyay wax yaabaha u qabsoomay intii ay xafiiska joogeen, waxaana ay ballan qaadeen in wasaaradaha ay u kala wareegeen ay wax fiican ka qaban doonaan.