Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa maanta kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda Madaxda Ururrada Saxaafadda iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta, kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii looga wada shaqeyn lahaa wacyigelinta Xakameynta xannuunka COVID 19.
Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland
Burco(RH):-Dhallinyaro ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si mutadawacnimo ah iskugu-xilqaamay howlo lagu dayactirayo kutubta qur’aanka ah iyo axaadiisa ku dayacan meelo aan munaasib ahayn.dhallinyaradan oo si iskood ah isku xil qaamay ayaa dayac tiray kutub badan.
Hargeysa(RH):–Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay munaasibad ay shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL muwaadiniinta ugu oggolaatay fursad ay saamiyo ku darsan karaan shirkadda.
Hargeysa(RH):-Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ayaa laga helay xanuunka Covid-19.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somailand Ahna Gudoomiyaha Gudida ka Hortaga Xanuunka Covid-19 ee Somaliland oo caawa qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland khadka Telefoonka ugu waramay ayaa xaqiijiyey in uu maalmihii u dambeeyey la tacaalayay Xanuunka Coronavirus xaaladiisa caafimaadna ay hada aad u fiicantahay.
Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in 31 masuul oo ka tirsan Xukuumadiisa lagu soo eedeeyay lunsi hantiyeed, isla markaana baadhitaan lagu waddo 72 hay’addood oo Kala duwan.
Hargyesa(RH):-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, dal-xiiska iyo Wershadaha Somaliland ayaa magaladda Hargeysa ka furay kulan lagu gorfaynaayo xeer nidaamiyaha Xeerka Shirkadaha Somaliland kaas oo labarkiisu yahay 80/2018.
Kulankaas waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka socday Shirkadaha kala duwan ee dalka, Rugta Ganacsiga iyo xubno wasaarada ganacsiga ah ka tirsan.
Hargeysa(RH):-48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab-weyn oo galabta ka kacay machad lagu barto culuumta diinta oo ku yaala magaalada Hargeysa kaasi oo lagu magacaabo Dacwa.
Ciidanka Dab-demiska oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samatabixiyey dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Caasimada Hargeysa.
Hargeysa(RH)Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Go’aamiyey Qodobbo Muhiima Oo La Xidhiidha Doorashooyinka, Abaaraha Iyo Xanuunka Covid 19.
Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Todobadii maalmood ee u dambeeyey Cudurka Covid.19 laga helay 119 Qof
Dadka laga helay Cudurka Corona Virus oo dhamaantood u dhashay Somaliland ayaa tirada ragga ah ee laga helay cudurka, wasaaraddu ku sheegtay 73, Rag ah iyo 46, Dumar ah.
Pagination
- Previous page
- Page 7
- Next page