RH: Anders iyo Fatima waa laba qof oo is-jecel oo go'aansaday inay is-guursadaan, balse waxay la kulmeen caqabado adag oo kaga yimid waalidkood. Labadooduba waxay ku nool yihiin Esbjerg, Denmark, iyagoo muddo saddex sano ah xiriir jacayl lahaa. Anders waa nin u dhashay Denmark, halka Fatima ay asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya laakiin ku dhalatay kuna kortay Denmark.
Si kastaba ha ahaatee, waalidka labada dhinac midkoodna ma ogola in ay guursadaan sababtoo ah kala duwanaanshaha dhaqanka iyo asal ahaan. Hooyada Fatima waxay rabtaa in gabadheeda ay guursato nin Soomaali ah oo ay sameeyaan aroos dhaqameed, halka waalidka Anders aysan ku qanacsanayn in wiilkoodu uu guursado qof ka soo jeeda dal kale.
Fatima iyo Anders waa Muslimiin oo xiriirkooda ay u ilaaliyaan sidii dhaqanka Islaamka, iyaga oo ka fogaada wax kasta oo xiriirkii soo jireenka ahaa ka mid ah ilaa ay guursadaan. In kasta oo ay si qarsoodi ah u wada xiriiraan, haddana culayska kasoo wajahan waalidka ayaa ku sii kordhaya.
Si ay xal u helaan, waxay qorsheeyeen inay taageero ka raadsadaan xubno ka mid ah qoysaskooda iyo imaamyo, iyagoo rajeynaya inay waalidkood ka dhaadhiciyaan guurkooda. Hadda waxay la tacaalayaan go’aanka adag ee u dhexeeya jacaylkooda iyo qadarin ay u hayaan qoyskooda.
waxaa qorey jv.dk/ waxaa tarjumay
Mohamed-Amiin