Kolding: Labo Nin oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Xoog Leh

RH: Waaxda cadaaladda ee magaalada Kolding ee dalka Denmark ayaa maxkamad saartay labo nin oo lagu eedeeyay khiyaano culus oo ka dhan ah dad shacab ah. Eedeysanayaashan oo da'doodu kala tahay 32 jir iyo 24 jir ayaa lagu soo oogay 13 dacwo, halka ninka 32 jirka ah lagu soo oogay afar dacwo oo dheeraad ah.

Labadan nin ayaa la sheegay inay khiyaameeyeen dad ku nool toddobo guri oo kala duwan, iyagoo ka qaatay lacago, kaararka bangiyada iyo Password lambarradooda, kadibna u isticmaalay inay ka saaraan lacago iyo inay wax ku iibsadaan. Waxaa lagu eedeeyay inay ku shubteen lacag dhan 350,000 karoon oo Danish ah xagaagii  2024.

Maxkamadeynta oo bilaabatay

Maxkamaddu waxay bilowday dhageysiga dacwadda Isniintii, iyada oo eedeysanayaasha laga keenay xabsiyada Haderslev iyo Assens. Ninka 32 jirka ah ayaa qirtay in uu qayb ka ahaa 10 kiis, isagoo sheegay in shan nin ay si wadajir ah u fuliyeen khiyaamada, isaga oo qaabilsanaa inuu ka saaro lacagaha kaararka la dhacay. Balse wuu diiday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan ragga kale ee ku lug lahaa.

Intii ay maxkamaddu socotay, wuxuu ninka 32 jirka ah u muuqday mid deggan, tilmaantiisa waxa  xidhnaa surwaal buluug ah, timo madow iyo gadh buuxa ayuu lahaa. Dhanka kale, saaxiibkiisa 24 jirka ah wuxuu qirtay laba kiis oo kaliya, isagoo diiday inta kale.

Caddaymo Muhiim Ah oo La Horgeeyay Maxkamadda

Garsooruhu wuxuu dhageystay caddeymo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin sawirrada laga helay kaamirooyinka ATM-yada iyo xogaha laga helay taleefannadooda gacanta. Waxaa la ogaaday in taleefanka ninka 24 jirka ah lagu arkay goobaha khiyaamada ka dhacday, inkasta oo uu ku dooday in aanu halkaas joogin waqtigaas.

Intii lagu gudajiray dhageysiga dacwadda, waxaa la soo bandhigay muuqaal laga duubay ninka 24 jirka ah xilli uu ku jiray taksi, isagoo si faan ah u leh: "Waxaan noqodoonaa maalqabeen !" Waxa uu sheegay in hadalkaas uu ka yimid filimada uu daawado, gaar ahaan "Paradise Hotel."

Xaaladda Eedeysanayaasha

Eedeysanayaasha ayaa sheegay inay dareemayeen cadaadis ay ka qabaan koox kale oo aan la shaacin, taas oo ku qasabtay inay sameeyaan khiyaamadan. Maxkamaddu waxay sii socon doontaa toddobaadka soo socda, iyadoo la sugayo markhaatiyo dheeraad ah oo la dhageysan doono.

Warka oo dhammeystiran waxaad kala socon doontaan Radio Hormuud.

Waxaa diyaariyey Mohamed-Amiin Siyad

Anigoo ah Mohamed-Kaafi Ali Mumin, ayaana idiin soo jeedinayey

 Radio hormuud kala soco wararka Denmark oo maallinle ah.

 

Category