Cairo (RH)-Xilli uu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan biyo-xireenka webiga Nile ayuu madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka wadahadleen sidii heshiis looga gaari lahaa buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xireenka, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah ee Masar.
Hase yeeshee, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada hoggaamiye aysan si gaar ah uga hadlin arrinta biyo-xireenka.
“Waxyaabaha ugu waawaynaa ee ay ka wada hadleen labada madaxweyne waxaa ka mid ah hagaajinta iyo xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan [Masar iyo Soomaaliya], waxaa kale oo ay ka wadahadleen danaha istaraatiijiga ah, sida amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo tacliinta,” ayuu yiri Cabdikariin.
Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday in kulankan uu yimid xilli uusan aad u wanaagsanayn xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
“Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Masar waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qotadheeraa, walow baryahan dambe uu xoogaa madmadow jiray. Waxyaalihii la isla soo qaadayna waxaa ka mid ah in sidii dowladda Masar ay waligeedba u garab taagnaan jirtay dowladda Soomaaliya ay gacan ka gaysato dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Muqdisho.
Muxuu yahay mowqifka Soomaalia ee ku aaddan khilaafka Masar iyo Itoobiya?
Dowladda Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webiga Nile ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.
Afhayeenka oo arrintaas BBC-da u sharraxayayna waxa uu yiri: “Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne laguma sheegin wax ku saabsan arrintaas, laakiin webiga Nile waxa uu maraa dalal badan. Mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cad yahay, hadda ayaana kuu caddaynayaa.
“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga Nile, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa.
Sanadkii 2021-kii waxaa jiray qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay oo waddamada uu webigu maro oo dhan ay ku qanacsanaayeen oo ahaa in si nabad ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah looga wada faa’iidaysto biyaha.”
Maxaa la gudboon Soomaaliya?
Waxaa su’aalo la iska waydiinayaa doorka Soomaaliya uga aaddan khilaafka Masar iyo Itoobiya oo u muuqda inuu marayo meel aad u sarreysa.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay deris la tahay Itoobiya, ayna ku wada jiraan labada urur ee Midowga Afrika iyo IGAD, halka Masar iyo Soomaaliya ay dhanka kale xubno ka yihiin ururka Jaamacadda Carabta.
Taasi waxay ka dhigan tahay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay labada dalba isu dhow yihiin xilligan.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadlaan arrimo uu ka mid yahay webiga Nile.
“Waa caadi in waxa dal dhibaya oo welwel ku haya ay dal kaloo ay saaxiib yihiin kala hadlaan. Sida aan wada ognahay, biyo xireenkan korontada dhaliya ee ay Itoobiya samaysay waxaa dareen badan iyo diidmo ka muujiyay dalalka Masar iyo Suudaan oo ku dooday inay tallaabadaas waxyeelayso, maaddaama ay yihiin dalalka ay biyahaas ku dhacayaan oo aan ahayn kuwa ay webiyada ka yimaadaan.”
Waxa uu intaas ku daray in “Soomaaliya aysan ku qaldanayn haddii ay Masar kala hadasho arrimaha khuseeya webigaas”. Laakiin, waxa uu intaas ku daray in Masaaridu ay albaab kasta u garaacayaan sidii ay Itoobiya ugala heshiin lahaayeen arrinta biyo-xireenka, balse waxa ugu wanaagsan ay tahay in labada dhinac si siman loogu kala dab qaado.
“Doorka ugu fiican oo ay Soomaaliya qaadan karto waa inay dhexdhexaad ka noqoto. Haddii ay dalalku oggol yihiin dhexdhexaadinna, sida ay hadda ka horba Soomaaliya ku talisay, in la guda galo dhexdhexaadintooda,” ayuu yiri wasiirkii hore.
Waxa uuse qiray in xilligan ay adag tahay xal u helidda xiisadda Masar iyo Itoobiya, maaddaama ay mowqifyo aad u adag ay kala taagan yihiin.
Itoobiya ayaa biyo-xireenka baaxadda wayn u samaysatay si biyaha webiga oo dalkeeda kasoo billowda ay uga faa’iidaysato, oo ay koronto uga dhaliso, taasna ay tahay arrin ay xaq u leedahay, sida ay ku celcelisay dowladda Itoobiya.
Laakiin, Masar ayaa dhankeeda sheegtay in haddii biyo-xireen la sameeyo ay biyaha ka yaraanayaan, sidaasna ay saamayn ba’an uga soo gaarayso nolosha shacabkeeda.
Suudaan oo iyada qudheeda uu khilaaf dhanka xudduudda ah kala dhaxeeyo Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka uu saamayn ku yeelanayo, waxa ayna si toos ah ula safatay Masar oo gebi ahaanba ka hoo horjeedda dhismaha biyo-xireenka ay kharashka badan ku bixisay xukuumadda Addis Ababa.
Xiggasho: BBC